Muxuu ka yiri Imaaraadku raaligelintii Rooble?

Dowladda imaaradka Carabta ayaa soo dhaweysay raaligalintii uu bixiyay rai’sul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya,

Bayaan kooban oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in ay muujinayso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya.

“Imaaaraadka waxay soo dhaweynayaan raaligalintii uu bixiyay rai’sul wasaaraha Soomaaliya ee ku saabsanayd dhacdadii bishii April 2018,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii Abriil 2018-kii la wareegtay lacag dhan $9.5 milyan oo doolar oo ay lahayd dowladda Imaaraatka, taas oo dhalisay khilaaf dublamaasiyadeed oo xoog leh.

Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in lacagtii lagu qabtay garoonka magaalada Muqdisho ay ahayd hanti loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed.

“Hantidii lagu qabtay garoonka waxay ahayd gargaar ka yimid dowladda Imaaraadka laguna taageerayay shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka, ayaa sheegtay in hindisaha Mudane Rooble uu ka tarjumayo xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Hadalka ka soo yeeray dowladda Imaaraadka ayaa ku soo beegmaya xilli rai’sul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu booqasho rasmi ah ku joogo dalkaasi.