7-Bilyan oo Maraykanku ka xanibay Afgaanistaan xili dhaqaalo xumadii ugu weynayd ay wajahayso

A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa maamulka madaxweyne Biden ka sugeysa inay ku soo wargaliso wixii laga yeelli lahaa lacag dhan 7-bilyan oo dollar oo ay leedahay Afghanistan, taas oo ku xanniban Bangiga Keydka ee Maraykanka ee magaalada New York.

Maamulka Biden,ayaa haysta illaa 11-ka bishan February inuu maxkamadda u caddeeyo saddex arrimood oo kala ah…

1.In lacagtaas si abid ah loo xannnibo.

2.In Afghanistan loo celiyo.

3.In la siiyo qoysaska dhibbanayaashii weerarkii 11-kii September ee 2001.

Garsooraha maxkamadda,ayaa labo mar kordhiyey wakhtiga si uu dawladda u siiyo in ay sharci ahaan kala hufto keyska, hase yeeshee qareenka u dooddaya illaa 150 ka tirsan xigatada dhibanayaanshii 9/11 oo lagu magacaabo Anderw Maloney ayaa sheegay in lacagtan ay ahayd in go’aan laga gaaro “xilli hore.”Ayuu yiri
Qareenka hadlay.

“Waxaan jeclaan lahay in hore loo dhammeeyo.” Waxa uu intaas raaciyey “Waxay ila tahay in sida ugu dhakhsaha badan loogu shubo koonto, taas oo maxkamadda u ogolaanaysa in lacagta si siman oo caddaaaladi ku jirto loogu qeybiyo qoysaskii dadkooda ku waaweyey 9/11.”


Qaar kale,ayaa qaba in lacagtan ay leedahay dawladda Afghanistan, oo ay tahay in loo celiyo si loogu furdaamiyo dhibaatooyinka dhaqaale iyo bani’aadaminimo ee dalka ka jira.