Sidee Srael ku xaday Niyukleerkii Iran Ee aadka loo qarinayay?

Bishii November ee sanadkii 2020-kii, kolonyo gawaari ah oo uu la socday seynisyahankii ugu sarreeyay dhinaca nuclear-ka Iiraan, Mohsen Fakhrizadeh, ayaa la weeraray. Waxaa lagu dilay qori lagu hagayay qalabka meelaha fog laga isticmaalo.

Weerar sidaasoo kale loo diyaariyay oo lala beegsaday gawaari socda, iyadoo aan waxba la yeelin cid kale oo rayid ah, waa mid u baahan wadashaqeyn sirdoon oo tallaabo tallaabo isugu xidhan, goobtana ku sugan.

Dilkaas kaddib, Wasiirka Arrimaha Sirdoonka ee Iiraan, Mahmoud Alavi, ayaa sheegay in labo bilood ka hor waqtigaas, uu isagu digniin u gudbiyay ciidanka amniga, una sheegay inuu jiro fal dil ah oo loo qorsheynayo Mr Fakhrizadeh oo ka dhici doona isla goobtii lagu toogtay markaas.

Mr Alavi ayaa sheegay in qofka qorsheeyay dilka uu ahaa “xubin ka tirsan ciidanka militeriga”. “Nooma suurtagelin inaan sameyno howlgallo sirdoon ah oo laga fuliyo militeriga dhexdooda”. Ayuu yidhi.

Hase yeeshee waxa uu si dadban u caddeeyay in in qofka mas’uulka ka ahaa falkaas uu xubin ka yahay Ciidamada Kacaanka Iiraan, oo ah militeriga ugu awoodda badan dalkaas.

Haddii ay taasi run tahay, qofkaas waxaa khasab ah inuu ahaa ruux darajo sare leh oo awood u yeeshay inuu tirtiro digniinta islamarkaana uu weerarka suurtagaliyo isla taariikhdii la qorsheeyay iyo inuu ka dhaco goobtii loogu talogalay.

Mohsen Fakhrizadeh qudhiisa ayaa la og yahay inuu ka tirsanaa militeriga Kacaanka Iiraan.

Shakhsiyaad ku sugan gudaha xabsiga Evin ee magaalada Tehran, oo ah goobta ay ku xiran yihiin dadka lagu eedeeyay inay u basaaseen dalalka ajaanibta ah, ayaa BBC-da u sheegay in halkaas ay ku xiran yihiin saraakiil sar sare oo ka tirsanaa taliyeyaashii Ciidanka Kacaanka Iiraan.

Dowladda Iiraan ma aysan shaacinin magacyadooda iyo darajooyinkooda, si ay u ilaaliso sumcadda Ciidamada Kacaanka.

Sarkaal horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Iiraan ee loo yaqaanno IRGC Quds (oo gaar ahaan qaabilsanaa howlgallada dibadda) ayaa u sheegay BBC-da in hay’ado shisheeye ay soo aruuriyeen caddeymo ka dhan ah tiro ka mid ah danjireyaasha Iiraan iyo taliyeyaasha Ciidanka Kacaanka.

Waxa uu sheegay in waxyaabaha la aruuriyay ay ku jirto xog ku saabsan xiriir ay la lahaayeen haween, taasoo uu sheegay in loo adeegsan karay si loogu dhibaateeyo saraakiishaasi si ay ugu khasbaan inay la shaqeeyaan sirdoonka shisheeyaha.

Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 2018-kii, xilli habeen saq dhexe ah ayay rag dhowr iyo toban ah jabiyeen xarun keyd ah oo ku taalla degmada warshadaha, taasoo 20 meyl (30km) u jirta magaalada caasimadda ah ee Tehran.

Waxaa halkaas ku yaallay 32 qasnadood oo wax lagu xareeyo balse waxay garanayeen midda kaliya ee ay ku jiraan waxyaabaha ugu qiimaha badan. Muddo ka yar toddobo saacadood ayay ku dhalaaliyeen qufulladii 27 sanduuq, waxayna qaateen hal tan nuskiis oo ah maaddada clandestine ee laga sameeyo nuclear-ka, wax raad ahna ma aysan uga tagin goobta.

Waxa uu ahaa mid ka mid ah falalkii dhaca ahaa ee ugu waaweynaa ee soo mara taariikhda Iiraan, balse saraakiishu way ka aamuseen.

Saddex bilood kaddib, qalabkii la xaday iyo dukumiintiyadii waxay kasoo muuqdeen meel 1,200 oo meyl (2,000 km) u jirta Iiraan, oo ah caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv.

Benjamin Netanyahu, oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil, ayaa soo bandhigay qalabka la xaday – oo uu ku sheegay natiijada howlgal ay fuliyeen sirdoonka Israa’iil ee loo yaqaanno Mossad-ka.

Mas’uuliyiinta Iiraan waxay xilligaas dukumiintiyada ku tilmaameen kuwo la been abuurtay, waxayna sheegeen in fal noocaas ah uusan weligiis dhicin.

Maalintii ugu dambeysay ee uu waqtiga xafiiskiisa ugu ekaa madaxweynihii Iiraan, Hassan Rouhani, oo ku beegneyd bishii April ee sanadkii 2021-kii, waxa uu xaqiijiyay in Israa’iil ay xadday macluumaadkii nuclear-ka Iiraan, waxa uuna caddeymaha tusay madaxweynihii Mareykanka ee waqtigaas, Donald Trump.

Markii uu Mr Netanyahu shirkiisa jaraa’id kusoo bandhigayay qalabka keydka ah ee lasoo xaday bishii April ee sanadkii 2018-kii waxa uu hoosta ka xarriiqay doorka uu Mohsen Fakhrizadeh ku lahaa wax uu ku tilmaamay barnaamijka hubka nuclear-ka ee qarsoodiga ahaa.

“Dr Mohsen Fakhrizadeh… soo xasuusta magacaas,” ayuu yiri. Mr Fakhrizadeh ayaa la dilay labo sano kaddib xilligaas.

U basaasidda sirdoonka Israa’iil
Labaatankii sano ee lasoo dhaafay, qaar ka mid ah seynisyahannada nuclear-ka ee ugu caansanaa Iiraan ayaa la dilay. Waxaa jiray waxyeello loo geystay xarumaha nuclear-ka iyo saldhigyada militeriga Iiraan, balse ciidamada ammaanka ee Iiraan waxay ku guul darreysteen in ay ka hor tagaan ama gacanta ku dhigaan dadka weerarrada fuliya iyo kuwa qorsheeya labadaba.

Sanadkii 2013-kii, oo ahaa kii ugu dambeeyay ee maamulkii madaxweynihii hore ee Iiraan, Mahmoud Ahmadinejad, waxaa jiray warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in taliyeyaasha militeriga Iiraan, saraakiisha, sirdoonka iyo xitaa ciidanka hirgelinta diinta, loo xiray inay u basaasayeen sirdoonka Iisraa’iil ee Mossad-ka.

Balse eedeymahaas ilaa hadda lama xaqiijinin.