Ardayda Dugsiga hoose/dhexe Ee Budunbuto oo nidaamka Hal-Qof iyo Hal-Cod ku doortay Guddoomiye

Degaanka Budunbuto ee Gobolka Nugaal.

Ardayda dugsiga hoose/dhexe ee Budunbuto ayaa nidaamka hal qof iyo hal cod ku doortay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka ardayda dugsiga ee deegaanka Budunbuto.

Maymuun Cabdirisaaq Maxamed oo u tartamaysay Guddoomiya ardayda dugsiga kana tirsan xisbiga Aflax ayaa ku guulaysatay Guddoomiyaha ardayda dugsiga, iyada oo heshay codad dhan 68 cod halka musharrixii la tartamayey Cabdiweli Muuse Warsame oo ka tirsan xisbiga Barbaarshe uu helay 61 cod.

Waxaana doorashada Guddoomiyaha ardayda dugsiga kasoo qaybgalay Gudddoonka waxbarashada degmada Dangoroyo Cabdullaahi Xaaji Ciise.


Guddoomiyayaasha jaamacadaha Garoowe,
Guddoomiyaha deegaanka Budunbuto Axmed Ducaale Cilmi, Guddiga Waalidiinta, culimada, waaliddiinta iyo dhallinyarada degmada.
Xafladda ayaa loogu hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee dugsiga looguna duceeyey in Alle uu xilkaas u fududeeyo isagana lagula dardaarmay in uu dhabar-adayg muujiyo.