Waa tee Caasimada Basasaasiinta Caalamka Ee xiligan ?

Marka la eego dalalka awoodda badan ee ku tiirsan Jabuuti, waxa uu waddankan yar isu baddalay buul ay ku xaroodaan sirdoonka adduunka, sida uu Telegraph ku sheegay maqaalkiisa.

Arrintan oo aan mar dhow billaabanin waxay soo socotay muddo aad u dheer.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa tartan xooggan ugu jira sidii ay awooddooda dhanka sirdoonka ugu xoojin lahaayeen gudaha Jabuuti, mid walbana waxa uu doonayaa inuu ku adkaato ciyaartaas.

Wariyaha diyaariyay maqaalka ayaa marka uu ka warramayay sida ay quwadaha caalamka ugu loollamayaan dalka yar ee ku yaalla geeska Afrika waxa uu ku qeexay “buulka basaasiinta”.

“Horaantii sanadihii 1920-meeyadii booskan waxaa ku jiray magaalada Oslo, afartameeyadii waxay ahayd Casablanca, halka kontomeeyadiina ay ahayd magaalada Berlin,” ayaa lagu yidhi qormada.

“Maanta dad badan waxay dhihi karaan caasimadda basaasiinta adduunka waa waddan aan la aqoonin oo ku yaalla Afrika, oo ah Jabuuti,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Qoraaga oo ay maqaalkiisa sidoo kale soo xigatay BBC-da laanteeda luuqadda Carabiga ayaa sheegay in saldhigga militeriga Mareykanka ee Jabuuti uu yahay Camp Lemonnier, saldhigga Shiinahana uu ku yaallo meel dhowr meyl u jirta halkaas oo ah cirifka kale ee xeebta.

Reer Galbeedka ayaa dalkan u adeegsada in ay tartanka dhinaca galaangalka iyo saameynta kula loollamaan Shiinaha, oo waayadii dabe sii kusii xoogeystay dhankaas. Beijing ayaa faraqa ku xiratay waddamada Afrika oo ay la yeelatay xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeed labadaba.

Hoteelka Kempinski ee badda qarkeeda ku yaalla waxaa isugu imaada diblomaasiyiinta iyo saraakiisha militeriga waddamada kala duwan, marka laga reebo Shiinaha. Xiriirka ka dhaxeeya waa mid nabadeed, balse meesha kama marna in dareen uu jiro.

Qoraaga ayaa soo xigtay diblomaasi dhahaya: “Qof walba wuu og yahay waxa aad sameyneyso. Waa inaad la qabsato in aysan arrimahaaga qarsooneyn. Qof walba oo halkan ku sugan wuu is daboolayaa.”

“Isku darka kumannaan askari oo ka kala socda Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Japan, Spain iyo Talyaaniga ku wada sugan halkaas.”

Saraakiisha Reer Galbeedku waxay qiyaasaan in tirada ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti ay gaareyso ilaa 10,000 oo askari, oo ku qarsan saldhigga sirta ah ee Shiinaha. Askartaa lama arko iyagoo bannaanka jooga.

“Qof ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa yidhi: halkan ayaan maraa subax walba, balse uma maleynayo inaan arkay qof bannaanka usoo baxay ama gudaha sii galaya. Yaa og waxa ay ka sameynayaan gudaha,” ayuu yidhi qoraaga.

Dalalka qaar Jabuuti waxay u joogaan inay la socdaan mukhallasiinta hubka iyo daroogada kala gudbiya iyo la dagaallanka burcad badeedda. Waxaa la rumeysan yahay in marinta biyaha ee aagaas ay adeegsadaan dadka hubka u kala daabula meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Bariga Dhexe.

Shiinaha waxa uu Jabuuti u yahay waddanka ay ku taallo dekedda uu ku ilaashanayo lacagta dhan $250 billion ee sanad walba uga soo xaroota ganacsiga uu ka sameeyo Afrika.

Xukuumadda Beijing waxa ay saldhigga militeri Jabuuti ka sameysatay sanadkii 2017-kii, durbana way sii ballaarisay si ay u geyso markab weyn oo ah nooca diyaaradaha xambaara.

Isu dhawaanshaha saldhigyada militeri ee Mareykanka iyo Shiinaha ay ku wada leeyihiin Jabuuti ayaa horayba u abuuray xasarad diblomaasiyadeed oo culus.

Markii ay diyaaradaha Mareykanka aad ugu dhawaadeen saldhigga Shiinaha, sanadkii 2018-kii, militeriga Shiinaha waxay adeegsadeen iftiin ay ku cawireen duuliyeyaasha Mareykanka, sida uu wargeyska ku sheegay maqaalkan.