Maxay kawada hadleen Putin iyo Erdogan ?

Turkiga ayaa muujiyay in uu si aad ah u daneynayo dhexdhexaadinta Ruushka iyo Ukraine – tasina waxay caddeyneysaa in arrintaas ay u hirgashay.

Galankii dambe ee Khamiistii, Madaxweyne Putin ayaa telefoonka kasoo wacay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waxa uuna u sheegay qodobbada ay Ruushku heshiis nabadeed kula gali karaan dowladda Ukraine.

Nus saac gudihiis markii uu wada sheekeysigaas telefoonka dhacay, tifaftiraha BBC-da ee Arrimaha Caalamka, John Simpson, ayaa wareysi la yeeshay afhayeenka Erdogan, ahna la’taliyihiisa ugu sarreeya, Ibrahim Kalin.

Mr Kalin waxa uu ka mid ahaa dad kooban oo dhageysanayay hadalka telefoonka la isku weydaarsaday.

Dalabaadka Ruushka waxay u diyaarsan yihiin labo qaybood.

Afarta dalab ee ugu horreysa, sida uu sheegay Mr Kalin, fulintooda aad uguma adka Ukraine.

Kuwa ugu waaweyn waa in ay Ukraine aqbasho inay noqoto waddan dhexdhexaad ah iyo in aysan ku biirin isbahaysiga Nato. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, horayba wuu u muujiyay inuu sidaas rabo.

Waxaa jira dalaab kale oo qaybtan ka mid ah oo badankood u muuqda kuwo waji badbaadin u ah dhanka Ruushka.

Ukraine waa in ay marto hab hannaan looga dhigayo si loo xaqiijiyo in aysan khatar ku ahayn Ruushka. Waa in luuqadda Ruushka lagu ilaaliyo gudaha Ukraine. Waxaa kale oo jira wax loogu yeeray joojinta Nazi-nimada.

Tani waxay weerar culus ku tahay Mr Zelensky, oo isaga qudhiisa Yuhuud ah qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisana ay ku dhinteen xasuuqii Yuhuudda ee “Holocaust”. Laakiin Turkiga dhankiisa waxa uu aaminsan yahay in ay arrimahan aqbalitaankooda u sahlanaan doonaan Mr Zelensky.

Waxaa laga yaabaa in dadka reer Ukraine ay ku filnaato inay cambaareeyaan dhammaan howlaha la xiriira taageerada Nazi-ga ayna ballan qaadaan inay baabi’inayaan.

Qaybta labaad ayaa ah midda ay ku jiraan waxyaabaha adag, wicitaankiisa telefoonkana Mr Putin waxa uu ku sheegay in ay u baahnaan doonaan wadaxaajood fool-ka-fool ah oo uu la yeesho Madaxweyne Zelensky, ka hor inta aanan heshiis laga gaadhin qodobbadan.

Mr Zelensky waxa uu horay u sheegay inuu diyaar u yahay in uu wadaxaajood is hor fariisi ah la yeesho Madaxweynaha Ruushka.

Mr Kalin aad uma uusan sharricin arrimahan, isagoo sheegay in muhiimaddu ay tahay inay khuseeyaan waxa laga yeelayo Donbas iyo bariga Ukraine, kuwaasoo qaybo ka mid ah ay horayba u go’een lagana hadlay sida ay Ruush ku noqon karaan, iyo sidoo kale arrinta Crimea.

Inkastoo Mr Kalin uusan waxba faahfaahinin, malaha wuxuu yahay in Ruushka uu dalbaday in dowladda Ukraine ay oggolaato in laga qaato dhul ku yaalla bariga Ukraine. Taasi waxay noqon doontaa mid aad iyo aad u culus.

Malaha kale ee loo fahmi kari waa in Ruushku uu dalbaday in Ukraine ay si rasmi ah u aqbasho in Crimea, oo Ruushku uu si sharci darro ah ku qabsaday 2014-kii, ay hadda tahay meel uu leeyahay Ruushka,

Haddii ay xaaladdu sidaas tahay, qodobkaas Ukraine way ku adkaan doontaa inay laqdo.

Intaas waxaa sii dheer, Ruushku sharci uma laha inuu qaato Cremea waxa uuna saxiixay xeer caalami ah, kaddib markii uu dhacay nidaamkii hanti wadaagga balse markaas waxay ahayd ka hor inta uusan Vladimir Putin xukunka qabsanin.

Wali, dalabaadka Madaxweyne Putin ma aha kuwo aad u adag sida ay dad badan ka cabsi qabeen, waxayna noqon karaan kuwo u qalma in lagu joojiyo dagaalka, dhiigga daadanaya iyo burburka uu Ruushka u geystay Ukraine.

Maadaama uu Putin gacanta ku hayo inta badan warbaahinta Ruushka, kuma adkaan doonto inuu shacabka ka dhaadhiciyo in guul weyn laga soo gaaray Ukraine.

Hase yeeshee dhanka Ukraine, dadka waxaa ku hari doonta uur ku taallo.

Haddii heshiiska noocan ah aan si deg deg ah loo gaarin, Madaxweyne Putin iyo kuwa baddali doonaba waxay mar walba ka dhiganayaan marmarsiiyo ay ku weeraraan Ukraine mar kale.

In heshiis nabadeed la gaadho waqti dheer ayuu qaadanayaa inkastoo xabad joojinta ay hakineyso dhiigga daadanaya.

Ukraine burbur xoog leh ayaa soo gaadhay dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay, in dib loo dhiso magaalooyinka uu Ruushka shulka la simayna waxay qaadan doontaa muddo dheer.

Waxaa taas la mid ah in dib loo dajiyo qaxootiga malaayiinta qof ah ee guryahooda ka cararay

Vladimir Putin ka warran? Waxaa soo baxayay warar ku saabsan in uu xanuunsan yahay ama dhimirka uusan caafimaad ka qabin.

Mr Kalin wax maka gartay hadalka telefoonka? Maya ma jirto gabi ahaanba, ayuu yidhi. Mr Putin si daggan oo cad ayuu u dhahayay wax kasta.

Sidaasoo ay tahay, xitaa haddii uu Ukraine guul kasoo hoyiyo, waxaa daciifaya awoodiisa gudaha.

Dad badan ayaa marba marka ka dambeysa ogaan doona waxa uu sameeyay, sheekooyinka ku saabsan askarta la dilay ama la qabtayna haddaba waxay usii faafayaan si deg deg ah.