Maxay tahay go’aanka uu qaadan karo haduu Putin ku jabo dagaalka Ukrain?

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa ku go’doonsan duni uu isagu isku xiray, waa waxa ay rumeysan yihiin sirdoonka reer galbeedka, waana arrinta ay si weyn uga walaacsan yihiin.

Muddo sanado ah waxay dadaal ku bixiyeen sidii ay u darsan lahaayeen maskaxda Putin, si ay si fiican ugu fahmaan waxa uu damacsan yahay.

Iyada oo ciidamada Ruushku ay u muuqdaan in ay kuwa ku guuldareystay dagaalka Ukraine, baahida loo qabo in la ogaado waxa maskaxdiisa ka guuxaya ayaa noqotay mid loo baahan yahay iyaga oo isku dayaya in ay ogaadaan sida uu uga falcelinayo cadaadiska haatan saaran.

Fahamka xaaladdiisa maskaxeed waxay noqon doontaa mid muhiim ah si looga fogaado in xiisadda ay baahdo isla markaana ay gaarto dhul ballaaran.

Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in hoggaamiyaha Ruushka uu xanuunsan yahay, laakiin falanqeeyayaasha waxay aaminsan yihiin in uu dhab ahaantii noqday qof go’doonsan lagana xiray fikrad kasta oo la gudboonaan laheyd.

Putin in uu go’doon ku jiro waxaa laga arkay sawirada kulamadii uu la yeeshay madaxda qaar, sida markii sawir laga soo qaaday Viladmir Putin iyo dhiggiisa Faransiiska Emanuel Macron iyagoo kursi dheer labada cirif ka fadhiya taasoo hadal heyn aad u weyn ka dhex abuuray baraha bulshada.

Waxa kale oo ay ka muuqatay kulankii Mr Putin uu la yeeshay kooxdiisa ammaanka qaranka habeennimadii dagaalka.

Qorshaha milatari ee bilawga ah ee Mr Putin waxa uu u ekaa wax uu hindisay sarkaal ka tirsan KGB, mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka reer galbeedka ayaa sidaas sharraxay

Waxay yiraahdeen waa arrin la abuuray, “Waa shirqool qarsoodi oo siyaasadeysnaa” iyadoo diiradda la saaray sirta. Laakiin natiijadu waxay noqotay fowdo. Taliyayaashii ciidamada Ruushka, diyaar uma aysan aheyn dagaalka , waxaana askarta qaar ay ka gudbeen xadka iyagoo aan la ogeyn waxa ay sameynayaan.