Aas-qaran oo loo sameeyay Xildhibaanad Aamino

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka,ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixiso ee xalay ka dhacay Baladweyne.