Intee le’eg yahay Khasaaraha Ruushka Ee Dagaalka Ukrain?

Inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 15,000 oo askari oo Ruush ah ayaa ku dhintay hal bil ka dib duulaankii Ukraine, Waxa sidaasi wakaalada wararka ee AP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Nato.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in 30,000 ilaa 40,000 oo Ruush ah loo malaynayo in lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka.

Ruushka ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee dhimashada tan iyo 2-dii Maarso, markaasoo ay sheegtay in 500 oo ciidamadeeda ah ay dhinteen.

Marka loo barbar dhigo duullaankii uu Ruushka ku qabsaday Afqaanistaan islamarkana socday 10 sano ayaa waxa kaga dhintay ilaa 15,000 oo askari .

Ukraine ayaa sidoo kale aan dhankooda caddayn tirada dagaalka kaga dhimatay, iyadoo madaxweynaha Ukraine uu sheegay laba toddobaad ka hor in 1,300 oo askari oo Ukraine ah ay dhinteen.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ukraine ayaa Arbacadii u sheegtay Reuters in Ukraine ay adeegsanaysa software-ka aqoonsiga wajiga si ay u aqoonsato meydadka askarta Ruushka ee dhintay si ay ugu wargeliyaan qoysaskooda.

Mykhailo Fedorov, ayaa sheegtay in waddanku uu isticmaalayo tignoolajiyada ay bixisay shirkadda Clearview AI ee fadhigeedu yahay New York.

Dhanka kale hogaamiyayaasha Nato ayaa ansixin doona kordhinta ciidamadooda ku sugan bariga Yurub ka dib shir degdeg ah oo loo ballansan yahay, sida uu shegay xoghayaha guud ee Nato.

Jens Stoltenberg ayaa sheegay in afar kooxood oo cusub loo diri doono Slovakia, Hungary, Bulgaria iyo Romania.

Nato ayaa sidoo kale ku heshiin doonta taageero dheeri ah oo la siiyo Ukraine, oo ay ku jirto ka ilaalin isticmaalka hubka kiimikada, bayoolojiga iyo nukliyeerka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, oo jeedinayey khudbado muuqaal ah xilli habeenimo ah tan iyo bilowgii dagaalka, ayaa ugu baaqay dadka adduunka oo dhan inay si cad u mudaaharaadaan maalinta Khamiista oo bishii labaad laga joogo duulaanka Ruushka.

“Dagaalka Ruushku ma aha oo kaliya dagaal ka dhanka ah Ukraine, macnuhu aad buu u ballaaran yahay,” ayuu yiri Zelensky.

“Ruushka wuxuu bilaabay dagaalka ka dhanka ah xorriyadda,” ayuu sii raaciyay, isagoo raaciyay: “Tani waxay bilow u tahay Ruushka.