Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl oo la shaaciyay

Ku: Dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl

Ku: Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar

Og: Iskuduwayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee 3da Gobolka
Og: Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah – TPEC

Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland

Ujeeddo: Wargelin Jadwalka Dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee 3da Degmo in ay u diyaar garoobaan waajibaadyada u dhimman ee dhaarta iyo doorashada Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen degmo kasta. Sidoo kale, waxaa Guddoomiyaasha Gobolada lagu wargelinayaa in ka qayb qaataan fududeynta fariisinta iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee 3da Degmo.

Jadwalka

Ufeyn

  1. Diyaar garowga Xubnaha 04 – 05 April 2022
  2. Dhaarta iyo doorashada 06 April 2022

Qardho

  1. Diyaar garowga Xubnaha 09- 10 April 2022
  2. Dhaarta iyo doorashada 11 April 2022

Eyl

  1. Diyaar garowga Xubnaha 12 – 13 April 2022
  2. Dhaarta iyo doorashada 14 April 2022

Fiiro gaar ah: waxaa jiri doona Masuuliyiin Wasaaraddu u xilsaartay fududeynta dhismaha dhammaan Goleyaasha 3da Degmo.

DHAMMAAD.