Tartanka Da’da oo ka dhex bilaaban doona Baarlamaanka Fadaraalka Ee cusub

Dagaalka Da’da,ayaa bilaabanaya goordhow,waxaana lagu tartamayaa cida sii noqonaysa Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka.

Jen.Mahad Cabdirahmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Asluubta oo xildhibaan noqdey Da’diisu waa 67-jir.

Dhabancad oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug,ayaa jira 78-sano.

Jen.Shaahiyow oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Jubaland,ayaa isaguna jira 67-sano.

Maalmaha soo socda,waxaa bilaaban doona tartanka Da’ada,waxaana dhici karta in wax ka badal uu yimaado.

Kooxda Fahad,waxay isku dayi karaan in ay Jen.Mahad ukordhiyaan Da’da oo dhaafiyaan Xildhibaan Dhabancad.

Meesha kaliya ee laga qaadan karo Da’da Qofka ee hada la awoodo waa Basaboorka.

Jibril Qoobey.