Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay in deg-deg loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa Nisa

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka,ayaa soo jeediyey in lasoo saaro tallaabo lagu xakeymayo NISA, si looga hor istaago dhaq-dhaqaaqa ay billowday.

“Haddii aan la soo saarin tallaabooyin lagu xakameynayo Taliska NISA, Hey’addu waxay noqon doontaa Masrax laga soo maleego dhaq dhaqaaqyo halis ku ah Doorashooyinka,si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee Twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada”

Cumar Cabdirashiid,ayaa sheegay in NISA ay halis ku tahay dhammeystirka doorashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in digniinteedu muujineyso argagaxa N&N.