Wasiirkii hore Ee Haweenka Puntland oo la sagootiyay

Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska,ayaa maanta magaalada Garowe xaflad sagootin ah ugu sameeyay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka Puntland.

Shaqaalaha Wasaaradda qaar ka tirsan oo xaflada ka hadlay ayaa wasiir Aamina ku aamanay waxqabadkii iyo kaalinteedii hogaamineed ee Wasaaradda iyagoona isla qiray in wasiirku ahayd hawl-kar daacad ah. Shaqaalaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin erayo ku filan oo ku muujin karaan mahadnaqa iyo wixii Wasiir Aamino u qabatay horumarinta shaqaalaha wasaaradda, haweenka iyo carruurta Puntland.

Ugu danbayntii shaqaalaha wasaaradda ayaa Wasiir Aamina Cismaan gudoonsiiyey bilad, shahaado sharaf hadyado ay ku mutaysatay maamul wanaag, hawl-karnimo iyo daacadnimo.