Sidee u arkaan isa sharixida Xidig Siyaasiyiinta Ogaadeen?

Siyaasiyiinta Ogadeen qaybtooda Jubaland oo ugu weyn yahay Madaxweyne Axmed waxay muujiyeen si hoose in ay ka xun yihiin isa sharixida Xidig.

Balse ilaa iyo hada majiro Siyaasi miisaan leh oo si cad uga hadlay,inkastoo ay ka dhex jirto Siyaasiyiintaas fikrad oranaysa ma mudna Xidig in loo jawaabo.

Dhamaan Siyaasiyiinta Ogaadeen waxay isku raacsan yihiin in uu khiyaamay oo balan ka bax ku sameeyay ayna ka hor imaanayaan.

Xidig ugelidiisii N&N kadib waxaa lala galay heshiis buuxa,waxaana layskugu daray Xil iyo Xoolo loogama fadhiyin markale dhabar jabin iyo hanyari.

Ujeedkiisu muxuu yahay??

1.In uu dhaqaale ka sameeyo isa sharixidiisa.

2.In uu dabada marooji Reer Cabdille-ha JL xukuma.

3.In uu dhaqaale kaga helo kala jabinta Xildhibaanada JL laga soo doorto N&N.

4.In uu noqdo Gudoomiye haday uhirgasho.

Ma heli karaa Kursigaas??

1.Xildhibaanada JL laga soo doorto wax saamayn ah kuma dhex laha.

2.Daarood iyo Hawiye badankood uma codaynayaan.

3.Digil & Mirifle badankood uma codaynayaan oo Kursigooda ayay difaacanayaan.

Jawaabtu waa uma badna Boqolkiiba Sideetan in uu helo Kursigaas.

Xidig hadafkiisa ugu weyn waa dhaqaale ka samayn isa shsrixidiisu.