Ilhan Cumar oo la kulantay ra’iisal wasaarihii xilka laga qaaday Imran Khan

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa hoygiisa oo ku yaala Bani Gala ee magaalada Islamabad kula kulantay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan.

Warbaahinta Pakistan ayaa sheegaysa in ay tahay markii ugu horreysay oo Khan uu la kulmo siyaasiyiin ka socota Mareykanka tan iyo markii uu si cad ugu eedeeyay inay maleegeen qorshihii xilka looga tuuray 10-kii Abriil.

Ilhaan Cumar waxa ay sidoo kale Aqalka Baarlamaanka kula kulantay Afhayeenka Baarlamaanka Raja Pervaiz Ashraf iyo Madaxweynaha Pakistan Dr. Arif Alvi .

Musuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan ayaa sheegay in booqashada wefdiga ka socda Congress-ka Mareykanka uu u gogol xaareyo xoojinta xiriirka labada dal.