Qorshihii Farmaajo Ee hor istaaga Doorashada oo umuuqda in la fashiliyay

Hoolka Doorashada,waxaa soo gaaray ilaa iyo hada 130-Xildhibaan,sida wararku sheegayaan.

Marba marka ka danbaysa,waa iska soo daba dhacayaan Xildhibaanada soo gaaraya Afisyoone.

Xildhibaanadii reer Koonfur-galbeed ee ugu xanibnaa F&F Hotel Syl iyo Doribayn,ayaa hada soo galaya Hoolka.

Xog,ayaa sheegaysa qaar ka mid ah Xildhibanada koonfur-galbeed fawdo in ay u yimaadeen waliba Xildhibanada Jubaland ee ceelwaaq lagu doortay hadii ay codeynayaan in ay fawdo bilaabaan.

Guud ahaan waxay umuuqataa in uu fashilmay is hor istaagii Farmaajo ee doorashada Gudoonka.