Norway oo noqotay Dalka koobaad Ee Shidaalka udhoofiya Yurubta kale

Shirkadda ugu soo saarista badan shidaalka Norway ee Equinor, ayaa sheegtay inay qorsheyneyso kordhinta shidaalka ay u dhoofiso Yurub.

Norway oo ka tirsan dalalka Nordic ayaa ah dalka saddexaad ee dunida ee dhoofiya shidaalka, marka laga yimaado Ruushka iyo Qadar, haatanna, waa dalka keliya ee shidaal u dhoofiya guud ahaan qaaradda Yurub.

Macaamiisheeda ugu weyn waa Jarmalka, Ingiriiska, Netherlands iyo Fransiiska, waxayna waddamadaasi leeyihiin dhuun shidaal oo toos ugu timaada Norway.

Ilaa iyo hadda, shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska ee BP, Shell, ExxonMobil iyo Equinor oo ay leedahay dowladda Norway ayaa qorsheynaya inay xiriirka u jaraan Rushka.

Iyadoo Total aysan sameyn Karin maalgashi cusub, khubarada shirkadaasi ayaa sheegaya, in Africa ay bixisay boqolkiiba 18 shidaalka loo dhoofiyay Yurub tobankii sano ee la soo dhaafay.

Soo saarista shidaalka ee Africa, ayaa haatan la rajeynayaa inay korodho qaybta labaad ee tobanka sano ee soo socota, iyadoo ay soo if baxayaan mashruucyo cusub oo dhanka online-ka.