Faahfaahin Bayaankii kasoo baxay Gudiga Doorashada

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa xalay soo saaray bayaan ay ku faah-faahiyeen amniga teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaya 10-aad ee Soomaaliya 15-ka bishan.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in amniga teendhada ay si buuxda maalinkaas ula wareegi doonaan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS, isla markaana guud ahaan xerada Xalane aan loo oggolyn ‘in wax hub ah lala soo galo maalinta doorashada.’

“Musharraxa ku guuleysta xafiiska madaxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa la wareeagaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amnigeedu suganyahay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddiga isku dhafka ka ah ee doorashada madaxweynaha.

Guddiga ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in maalinta doorashada ‘aan la oggoleyn in teendhada lala soo galo telefoonnada’, iyaga oo kasoo qeybgaleyaasha ugu baaqay inay bannaanka uga soo tagaan telefoonnadooda.