Faallo:-Mucaaradada Deni iyo danaha guud waa in ay kuu kala soocan yihiin

Deni shaqsiyadiisa ma’ahan waxa la taageerayo ee waa arimo ay ugu muhiimsan yihiin ….

1.Jubaland in ay fariisato.

2.Puntland iyo danaheeda.

3.Qaranimada Somaliya.

4.Ka badbaadinta Farmaajo Dalka.

Waa in aan kala saarnaa ama noo kala soocan yihiin Deni iyo Puntland.

Sidoo kale carada aan uqabno Deni iyo danaha guud.

Adoo Deni mucaaradaya ma’ahan in aad Farmaajo taageerto,sababtoo ah iskumaba xirna.

Dagaalkeena Siyaasadeed, salkiisu waa in uu noqdaa..

1.khatar waa in aysan dhismaha nidaam ee Jubaland uga imaan Villa Somaliya.

2.Madax hagardaamaysa horumarka Bulsho iyo Nidaamka Puntland waa in aysan Villa-da fariisan.

3.Nidaamka Fadaraalku waa in uu amaan yahay.

4.Xal uhelida Qadiyada Somaliland.

5.Ka ilaalinta khataraha soo kabashada Qaranimada Somaliyed.

Somaliya oo kasoo kabata dib udhicii 4-ta sano,ayaan filaynaa.

Jibril Qoobey