Deni iyo wacdarihiisii Doorashada?

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu wacdaro ka dhigay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha. Wuxuu ku soo baxay 65 cod oo ahaa kuwii ugu badnaa ee uu hal qof helo wareeggaas. Waa la qiyaasiyay in uu aad isu soo diyaariyay, xildhibaannada ka soo baxay Puntlandna uu ku tashanayay. Hase yeeshee, codadkaas saddex un baa ugu darantay wareeggii labaad.

Wuxuu ahaa farqi-sameeye. Waxay codadkaas u dhaceen Xasan Sheekh Maxamuud oo la rumeysan yahay inay ahaayeen saaxiibbo isku dhow, uuna ka dhaxeeyay xulafeysi siyaasadeed oo ka dhan ah Farmaajo.

Taas oo jirta, haddana waxaa Deni ka go’neyd inuu meesha ka saaro Farmaajo oo ay horay isugu qabteen siyaasadda.

Ma laga yaabaa inuu Xasan Shiikh u noqdo raysul-wasaaraha xiga ama uu kaalin ku yeesho xulashada raysul-wasaaraha xiga?