Somaliland oo ku heshiisay qabashada 18-ka May iyo Doorashada Madaxweynaha

Xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland,ayaa waxa ay is-afgarad ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay.

Iska afgaradkan ayaa ka dambeeyay ka dib kulan ay xalay madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka.

Labada dhinac,ayaa isku hayay labo qodob oo kala ah qabashada xuska 18 May iyo xilliga la qabnayo doorashada Madaxweynaha.