Gaaska Deegaanka Somalida oo dhawaan la isticmaali doono

Wasiirka macdanta iyo shidaalka dalka,Takale Umma oo khudbad kahor jeediyay Barlamanka ayaa sheegay in Itoobiya shirkad u xilsaartay daraasad la doonayo in lagu oggaado caddadka gaaska dabiicigga ah ee Deeganka Soomalida ku jira.Takale,wuxuu xusay in arrintan gaba-gabo tahay oo la oggaan doono inta uu dhan yahay gaaska dabiicigga ah oo laga helay saddex goobood DDS.

Umma,ayaa sheegay in daraasadkan caddadka looga dan-leeyahay si gaaskan dabiiciga ah looga soo saaro bacriminta beerraha.[Waxaa laga soo saaraya ammonia oo u addeegta bacriminta beerraha.

Takale,wuxuu xusay in xukuumadda Abiye Ahmed ka go’antahay soosarista bacriminta beerraha,isagoo sheegay in markasta Raysal wasaarruhu kor joogteyo shaqadan,si looga faa-iidaysto khayraadka Gaaska Deeganka.

“Kheyraadkii daboolnaa waa inaan ka faa’iidaysano. Arrintan oo hirgasha waxay guul wayn dhaxal siin doontaa dalka”; ayuu yiri Takale umma.

Horayna waxay Itoobiya u tijaabisay oo ay suuqa warshadaha dalka gaysay salliida caydhiin ee Deeganka Soomalida(Crude Oil).


VOSS TV