Video:-Imaaraadka oo ku wareejiyay Somaliya Lacag ku dhow 10-Milyan oo dolar

Waxaa maanta khasnadda dhexe ee Dowladda lagu shubay lacag dhan $9.6 Million Dollar oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ugu deeqday Dowladda Fadaraalka Somaliya.

Lacagtaan waxaa loogu talagalay in wax looga qabto arrimaha bani’aadnnimada iyo Abaaraha ka jira Somaliya.

Lacagtan oo markii hore uu ugu talagalay Imaaraadku in uu ku kharashgareeyo mashaariic iyo tababaro Ciidamo uu gacanta ku hayay,ayaa waxaa hor istaagay Dowladii Farmaajo,iyagoo fulinaya amar ka yimid Qatar.

Madaxweyne Xasan doorashadiisii kadib,ayuu si deg-deg ah ku bixiyay amar in Imaaraadka loo fasaxo Lacagtooda.

Halkan ka daawo muuqaalka