Maxay ka dhigan tahay booqashada Madaxweyne Xasan Ee Baydhabo?

400-Askari,ayaa Madaxweynaha kaga horeeyay Baydhabo si ay qayb uga noqdaan sugida amniga.

Ilaa habeen danbe in uu joogo,ayaa la filayaa hadaan wax isbadalin oo lasoo gaabin ama la siyaadin.

Hadafku waa in Umada Somaliyed la tuso in aysan jirin Aargoosi oo horay loo wada socdo.

Maamulkii u ahaa miisaanka ka danbeeya fikradii F&F ayna ka heleen Codadkii ugu badnaa Xildhibaanadooda in laga bilaabo booqashada Madaxweynaha ee Gobolada waa fariin waxtar ah.

Laftagareen isagaa Maanta kala dooran kara Wadaduu qaadayo.

Haduu aamino in Farmaajo tagey waxna la qabsado Dowlada cusub waa asiibay Siyaasada.

Haduu diido oo qaato wado khaldan isagaa istoogtay,waana fududahay in laga hor leexiyo Dowladnimada.

Jibril Qoobey.