Madaxweyne Xasan”Ilaa aan ka adkaado Alshabaab wada hadal lama geli doono”

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa sheegay in uu wadahadal la gali doono Ururka Al-Shabaab marka uu ka adkaado kaddib.

Wareysi uu siiyay Wargayska “the economist” Madaxweynaha Somaliya, Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa sheegay in uu wadahadal la gali doono Ururka Al-Shabaab marka uu ka adkaado kaddib.

“Inta badan degmooyinkii aan xoraynay dib ayay gacanta ugu galeen Al-Shabaab,”Ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

“Dowladdii hore wax qorshe ah uma aysan haysanin in ay la dagaallanto Al-Shabaab,”Ayuu yiri.Madaxweyne Xasan.

“Ujeeddadeennu waa inaan Al-Shabaab ula dagaalanno qaab ku dhisan fikir Islaami ah, oo aan tusno dadka in ay dowladdu difaacayso diintooda. Tanina micnaheedu waa in la billaabo dagaal aan loo kala harin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

“Hadafka dowladdeyda waa inaan ka shaqeyno wixii u dan ah dalkaan iyo dadkaan iyo diintooda. Waxa ugu horreeya ee dan u ah dadka – irsaaqadda uu qof walba cunayo Alle ayaa kafaalo qaadaye – waa in muwaadinka Soomaaliyeed uu gurigiisa nabad ku gam’o”Ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay Dhuusamareeb.