Muxuu daaran yahay Shirka Ceeri-gaabo?

Shirka Ceeri-gaabo shaqo kuma laha Siyaasad,balse waa lagu qariyay oo magac ahaan ayaa loo isticmaalay.

Ujeedka Shirku,waa in Shirkad Dahabka Qoda oo ay Somaliland heshiis lasoo gashay laga hawlgeliyo Gobolka Sanaag.

Shirkada Dahabka qodaysa,waxaa laga leeyahay Taiwan,waxaana heshiiska qayb ka ah Shirkadaha Dahabshiil iyo Haas.

Boqolkiiba Sideetan Dhulka Dahabkaas lagu tuhmayo ama hadaba ay Shacabka caadiga ah ka qotaan waa Deegaamada Beesha Warsengeli ay degto.

Odoyaasha Warsengeli oo uu ugu horeeyo Suldaan Siciid iyo Ganacsatada Beesha,ayuu kala hadlay Muuse Biixi in ay kusoo biiraan Shirkada qaybtoodana la siinayo.

Sida xoguhu sheegayaan Suldaanka iyo Odoyaasha kale ee Beesha Warsengeli waa ogolaadeen in Shirkadu ka hawlgasho Deegaamadooda,waxaana qayb laga siiyay Lacag Xuquuqul Qalin ahayd oo ay Shirkadu ay horay ubixisay.

Jibril Qoobey.