Ciidamada amaanka Puntland oo Gacanta ku dhigay Shabakado argagixiso

Shabakadan lasoo bandhigay Maanta ee argagixisada ah,waxaa markii ugu horaysay lagu qabtay mid ka mid ah Gobolka Mudug,kaas,ayaana ka shifay kuwa Bari kala shaqeeya.

Hawlgal Wadajir ah oo ay wada fuliyeen Ciidamada amaanka Puntland ee Mudug iyo Bari,ayaa keenay in lagu guulaysto burburinta Shabakadan argagixisada ah.

Waxaa baxsaday intaan la qaban hogaamiyihii Guud ee Kooxda oo kasoo jeeda Beesha Furku-caagle.

Qaraxyada iyo Dilalka ay qirteen,waxaa ka mid ah…

1.Qaraxii loo dhigay Gawaarida Madaxweynaha Puntland markuu soo galayay Bosaso ee ugu danbaysay.

2.Qaraxii Odoyaasha Warsangeli.

3.Qaraxii Saraakiisha uu ku jiray Jeraale.

4.Dilkii Suldaan Muuse Koonte.

5.Dilkii Bashiir Muuse Xaaji Faarax.

6.Dilkii Gudoomiyihii Qandala.

7.Dilkii Madaxii Ururkii Ciidanka Daraawiishta ee Siyaad hogaamin jiray.

Waxaa Maxkamadayntooda Goob-joog ka ahaa Waalidiintood iyo Dadkii ay laayeen Ehelkoodii.

Shaqo wacan ayay qabteen Ciidamada Amaanka Puntland.