Dhismaha Wadooyin casriya oo Garowe ka socda

Waxaaa gabo-gabo maraya dhismaha Wadada xiriirisa Injida iyo Wadada islaam Maxamed , taasoo halbowle u ah adeega Dadweynaha iyo isku socodka Gaadiidka iyo dadka korna u qaadeysa, kobaha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada ee caasimada Garowe.

Wadooyinka cusub ee ka socda magaalada Garoowe , ayaa ah wadooyin si casriya, loo dhisayo tayadoodana aad u wanaagsan tahay.

Mashariicdaan ayaa waxaa fulinaysa dowlada hoose ee degmada Garowe oo kaalmo dhaqaale ka heleysa Bank Aduunka.