Muxuu yahay mowqifka muranka Biyaha Webiga Niil Ee Somaliya?

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka webiga Nile ee u dhaxeeya Itoobiya oo dhinac ah iyo Masar iyo Suudaan oo dhinaca kale ah.

Afhayeenka oo arrintaas BBC-da u sharraxayayna waxa uu yiri: “Shirka jaraa’id ee labada madaxweyne laguma sheegin wax ku saabsan arrintaas, laakiin webiga Nile waxa uu maraa dalal badan. Mowqifka dowladda Soomaaliya wuu cad yahay, hadda ayaana kuu caddaynayaa.

“Mowqifka Dowladda Fadaraalka Somaliya waa in si nabad ah looga wada faa’iidaysto Biyaha Webiga Nile, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyadii caalamiga ahaa.

Sanadkii 2021-kii waxaa jiray qaraar ay soo saartay Qaramada Midoobay oo waddamada uu webigu maro oo dhan ay ku qanacsanaayeen oo ahaa in si nabad ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah looga wada faa’iidaysto biyaha.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay deris la tahay Itoobiya, ayna ku wada jiraan labada urur ee Midowga Afrika iyo IGAD, halka Masar iyo Soomaaliya ay dhanka kale xubno ka yihiin ururka Jaamacadda Carabta.