Miyuu ku ilduufay xiriirka Masar Madaxweyne Xasan?

In Xasan Shiikh looga faa’idaysto fursada siyaasadeed ee ka dhex muuqata arimaha dibada waa wax furan.

Balse xaqiiqdu waxay tahay Xasan ma khaldamin ee waa asiibay Qodobka Masar.

Somaliya xaq bay uleedahay in ay soo dhawaysato cida Itoobiya ay utaqaan cadow,iyadoo hadana ilaalinaysa xiriirkeeda isla Itoobiya.

Xasan,waxuu muujiyay in Siyaasada Dibada ee Somalidu qaangaar tahay oo ay isku wadi karto laba aan laystusin.

Somaliya Saldhigyo Ciidan oo looga duulo Itoobiya masiin Masar ee waxay muujisay in ay xor utahay xiriirkeeda iyo aragtideeda.

Itoobiyada Maanta jirtaa maleh saamayntii ay lahayd tii uu Meles hogaamin jiray…

1.Maleh Awood Meleteri.
2.Maleh Awood dhaqaale.
3.Maleh Awood Wardoon.

Sudan,ayaa gudaha Dalkeeda soo gashay oo ka adeegatay.

Etetereya,ayaa gudaheeda ku xasuuqday qayb ka mid ah Muwaadiniinteeda.

Maxaa diidaya Somaliya in ay adeegaas qayb ku yeelato oo weliba door ay ka qaadato in lagala wareego hogaamintii Siyaasadeed iyo Amni ee Geeska ilayn Siyaasadu waa fursad.

Madaxweyne Xasan hadii ay ka tahay fahan Siyaasadeed Kubada uu ku ciyaaray Itoobiya waa rajo Qaranimo hadiise ay tahay saamaynta Masar mid ay sababtay waa Bil Sadex.

Jibril Qoobey.