Daacish oo dilay Shiikh tirsan Taalibaan

Wararka ka imaanaya caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul,ayaa sheegaya in Qof is-miidaamiyey inuu khamiistii weerar ismiidaamin ah ku qaaday malcaamad lagu barto diinta Islaamka, isaga oo halkaas ku dilay wadaad caan ahaa oo ka tirsanaa ururka Taliban, kaas oo jeedin jiray khudbado si weyn loogu dhaliilayo ururka ISIS.

Afhayeen u hadlay ururka Taliban ee haya talada dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyey dilka Sheikh Rahimullah Haqqani, isaga oo weerarkaas ku sheegay inuu ahaa weerar arxandarro oo ay geysteen cadawgu.

Bilaal Karimi ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in wadaadka la dilay uu ahaa caalim si weyn looga qadariyo dalkaas.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qofka is-qarxiyey oo dhaawac ka soo gaadhay weerar hore lugtiisa ku waayay, inuu haatan walxaha qarxa ku soo dhex qariyey caagad. Maamulka Taliban ayaa haatan wada baadhitaan la xidhiidha dhacdadan.

Kooxda ISIS ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.