Gudigii doorashada Kenya oo kala jabay

Guddiga doorashada iyo xuduudaha ee Kenya, ayaa laba garab u kala qeybsamay, iyadoo la sugayey in lagu dhawaaqo natiijada kama danbeysta ah ee doorashadii guud ee ka dhacday dalka Kenya.

Waxaa la sugayey ku dhawaaqista natiijada illaa iyo 03:00 Galabnimo ee maanta.

Sida uu qabo sharciga Kenya, natiijada waa in lagu dhawaaqaa 16ka Ogosto.

Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga, kaasoo la yiraahdo, Saitabao Kanchory, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada doorashada.

Wuxuu intaa ku darey, mar haddii arrini sidaasi tahay, aanay ka codsan doonin musharaxooda Madaxweynenimo inuu yimaado xarunta lagu ururinayo natiijada doorashada guud ee dalka Kenya.

Warbixin kooban oo qayb kamid ah loo oggolaadey iney arkaan warfidiyeenada maxaliga ah, ayuu ku sheegay in ay jiraan khaladaad dhanka doorashada ah.

Kanchory,ayaa waxaa garab taagnaa qaar kamid ah hoggaamiyayaasha isbaheysiga, Azimio ee Mr Odinga, barasaabka Kisumu, Anyang Nyong’o, iyo Barasaabka la doortay ee Siaya, James Orengo.