Afar Xubnood oo ka mid ah Gudiga Doorashada Kenya oo ka hor yimid guusha Ruto

Afar xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashada Kenya,ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan go’aankii ay shalay ku diideen natiijada doorashada.

“Hanaanka tirinta codadka,waxuu ahaa mid mugdi uu ku jiro,ayay yiraahdeen Xubnahaas.

“Aragtideena waxay tahay in natiijada doorashada ee uu ku dhowaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ay tahay waxba kama jiraan ayna qasab tahay in lagu baabi’iyo sharci Maxkamadeed”Ayay yiraahdeen XUbnahaas.

Isaga oo u hadlaya kooxda guddiga doorashada ee diidan natiijada ayaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga Juliana Cherera waxay maanta sheegtay in natiijada guusha siisay William Ruto si khaldan loo xisaabiyey.

Guddoomiyaha guddiga, Chebukati ayaa shalay sheegay in Ruto uu helay 50.49% codadka, halka Odinga uu ka helay 48.5%, sidaasna Ruto ku guuleystay.