Miyuu fashilmay Dagaalkii argagixiso la dirirka Ee Beelaysnaa?

Waa dhab in Dowladii ka horaysay aysan fulin qorshihii Amni Qaran ee diyaarsanaa.

Sidoo kale Dowladiisu weli lama imaan fulinta qorshaha Amniga Qaranka ee muhiimka u ahaan lahaa la dirirka argagixisada.

Kacdoon Beelaysan,ayaa iskiis uqarxay kana dhashay hab dhaqanka xun ee argagixisadu ay kula dhaqanto Bulshada.

Dowlada Xasan Shiikh,iyadoo ka duulaysa Laba ujeedo ayay isdaad raacisay kacdoonka Beelaha…

1.In ay ku hesho taageero caalami ah oo iskugu jirta dhaqaale,Saad Mileteri iyo sumcad.

2.In ay sheegato oo si dadban uhogaamiso Kacdoonka.

Ma soo kordhin aragti Qaran oo ka saraysa midii Beeluhu hayeen oo lagula diriro argagixisada Dowlada Xasan.

Waxaaba la oran karaa argagixisadii,ayaa uga dheeraysay Beelihii oo abuurtay jawi Qabiil oo shaki kala geliyay kuwii wada socday,kaasoo oranaya..

“Kuligeen Hal Beel baan nahay ee aan kala badbaadno ama Hawiye Gaala raaca iyo Hawiye Islaam raaca kee taageeraysaan”.

Sidoo kale waxaa abuurmay shaki galay Beelihii kale ee Somaliyed,kaasoo ah…

“Xasan Sh. Iyo kooxdiisu waxay rabaan in Deegaamada KG iyo JL ay ku qabsadaan dagaalka argagixisada ee Beelaysan”.

Dowlada Xasan Shiikh waxay ku guuldaraysatay Sadex arimood…

1.Fulin la’aanta Qorshihii Amniga Qaranka ee diyaarsanaa.

2.Jihaynta,isku haynta iyo taageerada Beelihii kacay.

3.Ku qancinta ama shaki ka saarida Beelihii kale ee Somaliyed.

Hada waxa socda laguma tilmaami karo la dagaalan argagixiso,waxuuna umuuqdaa mid soo fashilmaya oo xawaarihiisu soo jabayo.

Waxa kaliya ee laga faa’iday waa in argagixisadii 4-tii sano ee Farmaajo bulaashay waxuun hujuum ah lagu sameeyay.

Jibril Qoobey.