Kulan lagu soo afjarayo colaada Sangajabiye oo lagu qabtay Garowe

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa magaalada Garowe ee Caasumadda Dawladda Puntland uga qaybgalay shir lagu dhammaystirayo nabadaynta colaaddii ka dhacday Deegaanka Saaxmaygaag iyo Sengejebiye.

Shirkan oo daba socday shirar hore loogu dhexdhexaadiyey labada dhinac qaarkoodna go’aamo laga soo saaray ayaa waxaa hormuud u ah isimada dhaqanka Puntland, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno rasmi ah, kuwaas oo lagu dhammaystirayo nabadaynta labada dhinac.

Dhammaad.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.