Gudiga Doorashada iyo Ururada Siyaasada Puntland oo kulmay

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Xarunta Dhexe ee TPEC kulan kula qaatay Ururadda Siyaasadda Puntland.

Kulanka oo ahaa kala warqaadasho ayaa xubnaha sare ee Guddigu uga warbixiyeen madaxda Ururadda halka ay shaqadu marayso iyo qorshaha Guddiga oo ay u horeyso qiimaynta Seejooyinka codbixinta iyo goobaha Diiwaangalinta.

Xubnaha ka socday Ururadda Siyaasadda ayaa Guddiga uga mahadceshay warbixinta Guud ay siiyeen waxayna sheegeen inay iyaguna dardargalin doonaan diyaargarowgooda Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland.

DHAMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND.

codkaaguwaaxaqaaga

codkaaguwaamustaqbalkaaga