Shirka Duulista Hawada Soomaaliya oo 5 sano kaddib, ka furmay Muqdisho + Sawirro

Shirka Wasaaraddaha Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobaleedyada ayaa maanta ka furmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shirka oo ay Shir-guddoomisay Wasiirka Duuliska Hawada Soomaaliya, Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa soconaya, iyadoo looga hadli doono xoojinta iskaashiga, horumarinta qorshayaasha hortabinta leh iyo siddii loo mideyn lahaa siyaasadaha iyo shuruucda gaadiidka iyo duulista Hawada dalka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa Puntland ku matalaya shirka oo 5 sano kaddib qabsoomay.

Wasiir Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa sheegtay in qabsoomida shirkan ay muhiim u tahay dalka, inta uu socdana diirada lagu saari doono hormarinta Duulista Hawada Dalka.

Gaba-gabada Shirka ayaa laga soo saari doonaa go’aano lagu xoojinayo wada shaqeynta Wasaaraddaha Duulista Hawada heer Federaal iyo heer Dawlad Gobaleed.