Taalibaan oo xayiraado cusub kusoo rogay Haweenka Afgaanistaan

Maamulka Taliban,ayaa ka mamnuucday haweenka inay tagaan dhammaan jardiinooyinka ama xadiiqooyinka ku yaalla magaalada Kabul, iyadoo ay muuqato inuu maamulku kahor tagayo in qeyb ka noqdaan haweenka nolosha guud ee dalka Afgaanistaan.

Afhayeen u hadlay wasiir ku-xigeenka iyo wanaag farista, ayaa sheegay kuwa maamulaya seeraha ama goobaha la isugu yimaado ee caasimadda in loo sheegay inaysan u ogolaanin haweenka.

Kooxdu waxay ku andacoonaysaa in aan lagu dhaqmin sharciyada Islaamka ee jardiinooyinka.

Xuquuqda iyo xoriyada haweenka, ayaa si weyn loo xaddiday, tan iyo markii ururka u janjeera dhanka Islaamka ee Taliban uu la wareegay awoodda dalkani bishii Ogosto ee sanadkii 2021-kii.

Marka loo eego xeerarka Taliban ee ku saabsan kala soocista dadka jinsiga, haweenka ayaa waxaa loo oggolaaday inay tagaan jardiinooyinka saddex maalmood toddobaad kasta, kuwaasoo kala ah – Axad, Isniin, Talaadada – iyadoo ragga Iyana loo fasaxay afarta soo hartay.

Haatan dumarka loomma oggola goobaha la isugu soo baxo, xitaa haddii ay weheliyaan rag qaraabo ah.