Cabdi-yare oo galaaftay Talyihii CID Ee Puntland

Waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Talyihii CID ee Booliska Puntland Cumar Bile.

Sababta shaqada looga joojiyay Talyaha,ayaa ah in uu Laaluush ka qaatay Cabdi-yare.

Cumar Bile Talyihii CID-da ee shaqada laga joojiyay,waxuu uqoray Cabdi-yare Warqad isla isaga la amrayo in lasoo xiro.

Sidoo kale Warqadaas,waxuu udiray Xeer ilaaliyaha Puntland.

Ujeedka Warqadahan loo abaabulay,ayaa ahaa in la abuurto xaalad kacsanaan ah iyo isku dhacyo.

Cabdi-yare Warqadihii durba,waxuu ukala diray Odoyaal Beeshiisa ah,Saraakiil Ciidan iyo Dhalinyaro,isagoo ku habarwacanaya Deni,ayaa amray in lay soo xiro cadayntiina waataas.

Kadib arinkii,waxaa deg-deg ugalay Odoyaal oo Talyihii Booliska utagey wada hadal kadibna,waxuu si cad ugu sheegay Odoyaasha in uusan Madaxweynuhu amrin weerar lagu qaado Cabdi-yare cid usocotana aysan jirin,balse Odoyaashii waxay soo saareen Warqadihii kasoo baxay CID loona diray Xeer-ilaalinta ee lagu amrayo in Cabdi-yare la qabto.

Talyaha Boolisku,,waxuu uyeeray Hogaankii CID oo Odoyaasha hortooda ku waydiiyay Laba su’aalood oo kalahaa..

Ma’adaa qoray Warqadan?

Yaase kugu amray in aad qorto?

Cumar Bile Indhuhuu taagay,waxuuna ku jawaabay waa been abuur,isla goobtii,ayaa lagu amray in la baaro sugnaanshaha Warqada,waxaana si fudud lagu xaqiijiyay in ay sax tahay kana soo baxday CID uuna ku saxiixan yahay Cumar Bile.

Ugu danbayn,waxaa isla goobtii ku fashilmay qorshihii Cabdi-yare ee kicinta Beelaha iyo Laaluush qaadashadii Talyaha CID,waxaana Amar Madaxweyne looga joojiyay shaqadii Cumar Bile.

Jibril Qoobey.