Golaha amaanka oo go’aamiyay in lagu sii hayo Somaliya cunaqabataynta Hubka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Somaliya.

Golaha,ayaa walaac ka muujiyay sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika.

Qaraarkan,waxaa ansixiyey 11-Dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Somaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.

Dowaldda Somaliya,ayaa kasheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox argagaxiso ah oo weli si dhab ah u carqaladeyneysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Somaliya,ayaa ku doodday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab meesha uga saarto.

Balse Dad badan oo xog ogaal u ah Siyaasada iyo Amaanka Somaliya,ayaa qaba in aysan Somaliya weli gaarsiisnayn ka qaadista cunaqabataynta.

“Nidaamka Dowladnimo iyo bisaylka Bulshada Somaliyed weli ma gaarsiisna in Gacanta loo geliyo awood ka xoog badan mida hada ay haystaan”Ayuu yiri mid ka mid ah Dadka Indheergaradka ah ee Somaliyed.