Halkee maraysaa dhismaha Wadada halbowlaha ah Ee Puntland?

Saaka oo ah subax Sabti ah 19/11/2022, waa subax ay Dadka reer Puntland ay ku faani karaan shaqooyinka baaxadda ballaaran ay hal subax wada fulinayso Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland, waxaana kamid ah:-

  1. Saaka waxaa socda Dhismaha Wadada Laacdheere-Rabaable oo maanta laami lasaarayo 400m, waxaana jooga goobta 2 injeero Hay’adda ka socda oo shaqada hubinaya.✅
  2. isla saaka Waxaa u jarmaaday dhismaha Wadada Laacdheere 4 shaqaale Waaxda ciid baarka ka ah, oo ka soo qaadaya ciid baar 800m wado ah una diyaarsan in laami rasaaro asbuucaan . ✅
  3. Waxaa isla Saaka Socoda Dayactirka godad buuxin Jidka laamiga Wayn, inta u dhaxaysa Ceelay iyo Alxamdulaahi, waxaana laga shaqeenayaa 30 biri soo socda dhul dhan 45km oo godad Buuxin ah, waxaana wada kooxda Dayactirka jidka Hay’adda. ✅
  4. Waxaa isla Saaka ka jarmaaday Garowe Koox kale oo 3 Injineero ah iyo gaari sida, waxayna soo aruurinayaan xogta xaaladda Bariijyada iyo biyo mareenadda Jidka Garowe-Bosaso, waxayna xogta markaan ku soo aruurin online data collection tool, aan u sameenay Hay’adda in lagu aruuriyo xogta jidka. ✅
  5. Waxaa isla Saaka Jarmaaday Koox 3aad oo Injineer ah aadayna dhanka jidka Garowe- Bosaso oo iyaguna soo aruurinaya Xogta Carro-tuurka jidka iyo bururka geesaha wadada. Waxayna isla kooxdaas sameenayaan Calaamadi jidka ah. ✅
  6. Waxaa saaka Socdo Dhismaha Wadada Lafagorayo oo ay joogaan goobtaa Injeerno Hay’adda ka socda. ✅
  7. Waxaa isla Saaka Socda dhismaha Wadada Bursaalax- Gaalkacyo oo lagu dhisayso qalabka birta Culus ee Hay’adda Wadooyinka. ✅
  8. Waxaa isla saaka socda gabogabaynta jidka Gooladda Burtinle- XaarXaar, 10km, oo dhamaaday, shalay gaadiidka loo fasaxay, saaka laga shaqeenayo biyo mareenada. ✅