Aaska Garaad Saleebaan oo si maqam leh oo uga dhacay Puntland

Garoowe: 21 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saaka Garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare kaga qayb galay Saalada Jinaasada ee AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu Janatul Fardowsa ku Arsaaqo, isaga oo uga tacsiyeeyey guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Isimada dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Garaadku.

AUN Garaad Saleebaan Garaad Maxmed oo ka mid ahaa Isimada soo jireenka ah ee Soomaaliyeed wuxuu door muhiim ah kasoo qaatay dhismaha dowladda Soomaaliya iyo sidii bulshada Soomaaliyeed Nabad waarta u heli lahayd, si gaar ah Marxuumku wuxuu Sanadihii u dambeeyey Udub dhexaad u ahaa Nabada iyo horumarka ka socda deegaanada Puntland oo uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii dowladda Puntland.

AUN Garaadka ayaa maanta lagu Aasayaa Deegaanka Sarmaanyo ee gobolka Sool uu ku dar-daarmay in lagu Aaso.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.