Muxuu ku saabsanaa kulankii Gudiga Dhaqaalaha Baarlamaanka Puntland iyo Wasiirka Maaliyada?

Guddiga Maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland,ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2023 ee Golaha hortaala,ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, Xisaabiyaha guud iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2023.

Miisaaniyadda sannadkaan 2023,ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar).

Kororka Miisaaniyadda ee sanadkan,ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore.

Ilaa iyo hada majiraan xogo loosoo bandhigay Saxaafada iyo Bulshada oo ku aadan Miisaaniyada,kaliya waxay ku kooban tahay Golayaasha Dowlada.

Su’aalaha jawaabta ubaahan?

Ilaha Dakhliga Guduhu kasoo xaroonayo waa kuwee?

Ilaha Dakhliga dibada kasoo xaroonayo waa kuwee?

Halkee ka yimid Kororka Miisaaniyada ee la helay?

Sidee ukala leeyihiin hay’adaha Dowladu Miisaaniyada?

Tusaale”

Miisaaniyada Madaxtooyada?

Miisaaniyada W.Caafimaadka ?

Miisaaniyada W.Amniga?

Miisaaniyada W.Waxbarashada?