Shirweynaha Maraykanka iyo Afrika Oo qabsoomaya Bishan bartankeeda

Madaxweyne Biden waxa uu Washington, DC ku martigelinayaa hoggaamiyayaasha qaaradda Afrika December 13-15, 2022, shirka madaxda Maraykanka iyo Afrika.

Shir-madaxeedkaas,ayaa Mareykanku uga dan leeyahay in uu ku muujiyo saamayntiisa Afrika,muhiimadda xiriirka Mareykanka iyo Afrika iyo kobcinta iskaashiga arimaha muhiimka ah.

Shirka hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Afrika,ayaa looga xaajoon doonaa arimo waa weyn oo mideeya Labada dhinac,kuwaasoo kala ah…

Kobcinta ka-qaybgal dhaqaale oo cusub.

Horumarka Nabadda,Amniga, iyo maamulka suuban.

Xoojinta ka go’naanta dimuqraadiyadda, xuquuqda Aadanaha, iyo Bulshada rayidka ah.

Si wada jir ah oo looga shaqeyeeyo xoojinta amniga caafimaadka Gobolka iyo kan caalamiga ah.

Kor u qaadida sugnaanta Cuntada.

Ka jawaabida dhibaatada cimilada.

Kor uqaadida xiriirka Qurbajoogta.

Horumarinta Waxbarashada iyo hogaaminta dhalinyarada.

“Waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno dowladaha Afrika, bulshada rayidka ah, jaaliyadaha qurba-joogta ee ku nool Mareykanka, iyo ganacsiga gaarka ah si aan u sii wadno xoojinta aragtida la wadaago ee mustaqbalka xiriirka Mareykanka iyo Afrika”Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Madaxda ka qaybgalaysa Shirkaas,waxaa ka mid ah Madaxweynaha Somaliya.