Ra’isalwasaare Xamse oo gaaray Aadan Yabaal

Waxaan maanta safar shaqo ugu baxay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo ay dhawaan Ciidammada Qalabka sida iyo kuwa Deegaanku ka xoreeyeen Khawaarijta. Muhiimadda safarkaygu waxay ahayd dhiirigalinta mujaahidiinta dhiigooda, Naftooda iyo maalkoodaba u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda qowlaysataha ah ee Alshabaab.

Waxaan soo dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha ee degmada Aadan Yabaal iyo mashaariic kale oo horumarineed si dadka deegaanku u helaan dhammaan adeegyadii ay uga baahnaayeen Dowladda.

Si aan u hubinno in dadkeennu helaan adeegga Dowladnimada, Waxaan halganka ku garab wadnaa hirgalinta barnaamijka xasilinta iyo mashaariicyada kale ee horumarineed.