Bulshada Puntland oo bogaadisay hadaljeedinta xaalka Laascaanood Ee Madaxweyne Deni

Xaqiiqdii Madaxweynaha hadalkii looga baahnaa ee ku aadanaa Laacaanood waa jeediyay.

Waa cadeeyay mowqifka Dowlada Puntland ee xasuuqa Shacabka Laascaanood.

Sidoo kale awaamiir cad-cad,ayuu kasoo saaray waxa Dowladu ka yeelayso maaraynta xaalada taagan.

“Sool,Sanaag iyo Cayn waa Dhul iyo Dad reer Puntland,waana difaacaynas”Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni,wax uga reeban arinka Laascaano oo hadal ah majiraan,waxa haray waa fulinta qorshaha Dowlada ee xoraynta Laascaanood iyo difaaca Sharafta iyo karaamada Bulshada.

“Waa difaacaynaa Sharaftooda iyo karaamadooda,waana muujinaynaa in ay ehel leryihiin oo aan layska layn karin laguna xadgudbi karin”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Jibril Qoobey.