Booliska Puntland oo xaqiijiyay in ay dileen Madaxii hawlgallada Ururka argagixisada ah Ee Daacish

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Amniga ay dileen Madaxii howgallada kooxda argagixisada ah ee Daacish, kaas oo kasoo jeeday dalka Itoobiya.

Sidoo kale Ciidamada,ayaa ka hortagay weerar ay Maleeshiyaadka argagixisada Daacish doonayeen in ay ka geystaan Degmada Balli-dhidhin ee Gobalka Bari.

WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Amniga Puntland ayaa ka hor tagay weerar maleeshiyadda Daacish ay ku qaadeen Degmadda Bali-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00am 12.Jan.2023

Iska hor-imaadkaas ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo maleeshiyaadka Daacish u magacaabeen madaxa hawl-galada Daacish illa 11kii, July 2021 xilligiis oo ladilay madaxii hore ee hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir kaas oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray Dagaalkii Daacish lagu qaaday ee ay Ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka Buuraleyda Calmiskaad.

Abu-Albara Al Amani,ayaa ka soo jeeda Gobolka Amara ee dalka Itoobiya, kaas oo itoobiyaan badan ku khasbay inay ku biiraan Maleeshiyadda Daacish.

Hawl-galka Ciidanka amniga Puntland,ayaa ah mid guul weyn u ah guud ahaan Ummadda reer Puntland iyo kan Somaliya.

DHAMMAAD