Muuse Biixi oo markale ku celiyay in uusan kala baxayn Ciidankiisa duleedka Laascaanood

Muuse Biixi Garaadada Beesha Dhulbahante ee Shirku ugu socdo Laascanood wuxuu ku sheegay argagixiso.

Sidoo kale,wuxuu sheegay in uusan Ciidankiisa kala baxayn Laascaanood.

Hadalka Muuse Biixi hadalkiisa ah in uusan Ciidankiisa kala baxayn Dhulka Beesha Dhulbahante,waxuu waxtar uyahay kacdoonka iyo go’aamada Shirka kasoo baxaya.

Hadalkiisa kale ee ah argagixisaa Laascaanood ku jirta oo dhibaato ka abuuraysa,waxuu la mid yahay hadalkii 1988 ee Siyaad Barre oo ahaa Burco iyo Hargaysa argagixisaa soo gashay oo aan la dagaallamaynaa.

Macno usamayn mahayo reer Laascaanood iyo reer Hargaysa hadalka Muuse Biixi kaliya,waxuu Baasiin kusii shubayaa xaalka cakiran.

Loogama fadhiyin in uu erayadaas isticmaalo Maanta kuna adkaysto in Ciidamadiisu sii fadhiyaan Sool.

Sida muuqata SL waa looga adkaaday Siyaasiyan Laascaanood.

Halkan ka daawo muuqaalka Muuse oo hadlaya