Maxaa udanbeeyay wararkii Dhulguriirkii Turkiga iyo Siiriya?

Samatabbixiyeyaasha,ayaa Axadda maanta ah burburka dhismayaasha ka soo hoos bixiyay ilmo yar oo Toddobo Bilood jir ah iyo Gabar dhowr iyo Toban jir ah, waana ku dhowaad Toddobo maalmood kadib markii uu dhul-gariir xooggan ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 28,000.

Wiilka Toddobo bil jirka ah,ayaa lagu magacaabaa Hamsa waxaana laga soo saaray koonfurta magaalada Hatay muddo ka badan 140 saacadood ah ka dib tan iyo markii uu dhul-gariirku dhacay, iyadoo gabadha 13 jirka ah oo Esma Sultan, iyana laga soo saaray dhismaha ku dumay magaalada Gaziantep, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths oo Sabtidii booqday koonfurta Turkey si uu usoo qiimeeyo baaxadda burbur ee uu sababay dhul-gariirka ayaa sheegay inuu filayo in dhimashadu ay laban laab kor uga kici doonto.

Tobonaan kun oo shaqaalaha gurmadka ah,ayaa ka howlgalaya xaafadaha burburay inkastoo uu jiro qabow aad u daran taasi oo kaga dartay darxumada haysta malaayiin qof oo hadda si quus ah ugu baahan gargar.

Walaac dhanka ammaanka ah,ayaa horseeday in la hakiyo qaar ka mid ah howlihii gargaarka, iyadoo Tobanaan qof loo xiray bililiqo ama isku dayay in ay khiyaameeyaan dhibanayaasha ka dib dhulgariirka Turkiga, sida ay sheegtay warbaahinta Dowladda.