Sawirro: Axmed Karaash oo booqday dhaawacyadii xasuuqa ka socda Laascaanood

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Isbitaalka Guud ee Garoowe ku booqday qaar kamida dhaawacyadii ku wax yeeloobay xasuuqa Soomaaliland u gaysanayso Shacabka Laascaanood.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa madaxda wasaaradda Caafimaadka, maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe iyo xarumaha Caafimaad ee kale uga mahadceliyay sida ay u la tacaaleen bukaanada kala duwan ee la soo gaarsiiyay, iyada oo dhaawacyadii cuslaana loo gudbiyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.